Qorniinkan waxa aynu ka arkaynaa in aynu ku jirno dagaal. Si taxadar leh haddii loo fiiriyo aayaddani waxay innagu wargelinaysaa in aynaan dagaal kula jirin dadka balse aan kula jirno shaydaanka iyo jinniyadiisa. Cadawgeenna ah Shaydaanku wuxuu isku dayayaa inuu innaga adkaado isagoo adeegsanaya qorshe iyo khiyaano si fiican looga baaraadegay isla markaasna ah khayaano badheedh ah.
Shaydaanku waa beenaale. Ciise waxa uu isaga ugu yeedhay, “beenaaleh, waana beenta aabbaheed” (Yooxanaa 8:44). Aniga iyo adiga been ayuu inoo sheegaa. Wuxuu inoo sheegaa waxyaalo ku saabsan nafteenna iyo dadka kaleba isagoo inoo sheegaya inoo sheegaya xaalado been ah. Si kastaba ha ahaate, beenta oo dhan hal mar oo keliya inooma wada sheego. Waxa uu maankeenna ku duqeeyaa oo ku weerararaa fikirro xariifnimo ku jirto oo ay ka mid yihiin shaki, cabsi, layaab, sababayn iyo aragtiyo, isagoo markaasna si qunyara maankeenna ku qabsada. Xasuuso markaas inuu dagaalkiisu qorsheysanyahay isla markaasna uu in badan ina daraasaynayay.
Wuxuu kala yaqaannaa waxaynu jecelnahay iyo waxay aynaan rabin. Waxa uu yaqaan kasloonidarradeenna, taagdarradeenna, iyo cabsideenna. Waxa uu ogyahay waxa badanaa ina mashquuliya. Wakhtikastana waxa uu u huraa in uu inaga adkaado oo ina jebiyo. Waxyaabaha uu shaydaanku ku xoogganyahayna waxa weeyi samirka waxa loo yaqaan.
Soo dejiso