Nabad

Mid kasta oo carruurta Ilaah ka mid ah oo helay dib u dhalashada waa inuu ku noolaadaa nolol ay nabadi ka buuxdo. Ciise wuxuu yiri sida ku qoran Yooxanaa 14:27 (AMP):

“Nabadda aan idiinkaaga tegayo, nabad (dayda) aan haddeer idin siinaayo, iyo dardaarankiina. Sidda adduunku u siiyo idiinma siin. Qalbigiinnu yuusan murugoone, yuusanna biqine. [Joojiya inaad naftiinna ka oggolaataan qas iyo rabasho; oo naftiinna ha u fasixina in la argaggax iyo cabsi geliyo oo si fulaynimo leh xasillooni darro loo geliyo.]”

Runtii qaabkani waa mid aad u xooggan. Fadlan dhowr jeer akhri, dabadeed shan daqiiqo qalbigaaga ku xasili oo ay aad u dhex galaan.

Marka hore, aan ogaano in nabadda Ciise bixinayo ay tahay nabad qaas ah, oo aan la mid ahayn tan adduunka. Nabad caynkee ah ayaa dunida laga helaa? Adduunku wuxuu bixiyaa nabad la dareemi karo. Nabaddani waxay shaqaysaa markii ay naftaadu ay wax walba u hesho sidii aad doonaysay. Hase yeeshee, markii waxyaabahaasi u shaqayn waayaan sidii aad doonaysay, nabaddaasi si dhaqso ah ayey u caraartaa. Ruuxii “carada” ayaa durbadiiba meeshii ka qaata. Nabadda Ciise bixiyo waqtiga fiican iyo waqtiga xun labadaba way shaqaysaa. Xilliga duufaantu socoto ayey nabaddiisu shaqaysaa.

Soo dejiso
Facebook icon Twitter icon Instagram icon Pinterest icon Google+ icon YouTube icon LinkedIn icon Contact icon