Marka aan ku dhex jirno walax aan adeygoodu suura gal aheyn, waxa na qabaneysa jooji oo ka quuso. Si kastaba aha ahaatee, waxa kaliya ee ugu sarreeya oo aan sameyn karno waa in aan Illaahey tala saarano oo aan ku sugnaano rejo buuxda. Laakiin waa maxay, rejada, runta ah? Rejadu waa kalsooni laga filaayo wax wanaagsan in ey dhaci doonaan. Waxa ey si dhow xiriir ula leedahay iimaanka iyo waxa aan aaminsanahay. Haddii aan ku dhiirano in aan rejeyno, waxa ey nolosheena ku soo daadineysaa farxad iyo nabad.
Cadowgu waxa uu rabaa in aan rejo beelno. Waxa uu rabaa in aan ku qanacno in wax kasta dhumeen oo waxba eysan weligood sax noqon doonin. Laakiin illaahey waxa uu rabaa in ey rejo naga buuxdo – rumeysan oo filaaya waxa sarre. Wax yaalaha asaga ka yimaada, dhab aahaantii, Kitaabka Quduusku waxa uu leeyahay asagu waa “Illaaha rejada,” ee naxariista badan iyo bilaabaha cusub (fiiri Rooma 15:13).
Soo dejiso